Eedeysanayaal uu booliis ka mid yahay oo loo xiray mooto laga dhacay Machakos

0
320

Waxaa xabsiga loo taxaabay labo qof oo eedeysanayaal ah oo uu ka mid yahay sarkaal booliis ah.
Dadkan ayaa lala xiriirinayaa fal magaalada Machakos looga xaday mooto.
Warbixinta booliiska ayaa muujinaysa in milkiilaha dhugdhugleyda uu ku baakimay afaafka hore ee dhisme ku yaalla Machakos si uu u soo adeegto.
Hasa ahaate, markii uu soo laabtay ayuu waayay mootada waxaana isla markiiba la eegay muuqaalka ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da oo laga dhex arkay labada qof ee dhaca gaystay.
Xubnaha bulshada ayaa aqoonsaday shakhsiyaadka oo lagu kala magacaabo Martin Mbuthia iyo Moses Ngatia oo ah sarkaal booliis oo ka howlgalo saldhigga Machakos.
Waxaa ugu dambeyn la helay mootada oo looga tagay meel u dhow masjid waxaana hadda socdo baaritaano dheeraad oo dhacdadaasi ku aaddan.