In ka badan 20 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay Israa’iil saaka ka gaysatay Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Duqeymaha ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday magaalada Dier el-Balah ee bartamaha Qaza iyo Khan Younis oo ku taalla dhanka koonfureed.
Dhanka kale , agaasimaha isbitaalka Kamal Adwan ee ku yaalla Beit Lahia ayaa sheegaya in Israa’iil ay diidday in shidaal la gaarsiiyo xaruntaasi caafimaad.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada arirntan laga leeyahay ay tahay in gebi ahaanba uu burburo isbitaalkaasi.