Waalidiinta oo loo diray baaq ku saabsan caymiska SHIF

0
402

Dowladda ayaa waalidiinta ku boorrisay in marka ay isku diiwaangelinayaan caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF ay xusaan in dadka ku tiirsan ay ka mid yihiin carruurta dugsiyada u dhigta.
Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in qofka uu iska diiwaangelin karo shabakadda https://sha.go.ke/ ama inuu garaaco *147#.
Waxaa uu Kipsang sheegay in dowladdu ay soo saartay caymis caafimaad oo ballaaran oo ay xita ardayda ka faa’iidayaan.
15-kii bishan Siddeedaad ayay ahayd markii ay maxkamadda racfaanka sii kordhisay muddada xayiraad ay maxkamadda sare saartay in laga guuro caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo loo wareego SHIF.
Garsoorayaasha kala ah Francis Tuiyott, Ali Aroni iyo Lydia Achode ayaa xilligaasi amray in xaaladdu ay sidii hore sii ahaato ilaa 20-ka bisha Sagalaad ee sanadkan oo ay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto arrinkan.