DCI oo abaalmarin siinaysa qofkii meel ku sheega nin dilay 42 haween ah oo xabsi ka baxsaday

0
252

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa kenyaanka ka codsatay in ay gacan ka gaystaan sidii loo soo xiri lahaa Collins Jumaisi Khalusha.
DCI-da ayaa shakhsigan ku tilmaantay eedeysane la doon-doonaya ama la raadinaya.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dilay 42 haween ah oo meydadkooda laga helay goobta qashin-qubka ee Kware ee ismaamulka Nairobi.
Talaadadii ayay ahayd makrii Collins iyo 12 qof oo kale ay ka baxsadeen saldhigga booliiska ee Gigiri ee magaalada Nairobi oo ay ku xirnaayeen.
12-ka qof ee kale ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Eritrea.
DCI-da ayaa bayaankeeda ku sheegtay in cidii haysa macluumaad la isku halleyn karo oo suurtagelinaya in la soo xiro tuhmanaha baxsadka ah la siinaya abaal marin lacageed.
Waxaa xogtan loo gudbin karaa saldhigga booliiska ee kugu dhow ama in aad wacdo nambarrada tooska ee kala ah 911, 999, ama 112.
Waaxda dambi baarista ayaa baraheeda rasmiga ee bulshada ku soo daabacday sawirka Collins Jumaisi Khalusha oo uu qorshuhu ahaa in maxkamadda la soo taago si loogu oogo dacwad ku saabsan inuu dilal gaystay .
Waxaa uu ka soo jeedaa tuulada Shiru oo hoos tagto deegaanka Hamisi ee ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aaddan sidii ay ku suurtagashay in maxaabiista ay ka baxsadeen saldhigga booliiska ee Gigiri oo lagu hayay kaasi oo la ilaalinayay.