Maraykanka oo xayiraad saaray madaxweynihii hore ee Haiti

0
319

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraado ku soo rogtay madaxweynihii hore ee dalka Haiti Michel Joseph Martelly.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu eedeyay ka ganacsiga daroogada.
Maraykanka ayaa mas’uulkan hore ku eedeyay inuu door wayn ku leeyahay dhibaatooyinka ka taagan Haiti.
Waxaa xayiraadahan dhaqaale ku soo rogtay waaxda maaliyadda ee Maraykanka.
Waxay tani micnaheedu tahay in laga xannibay hantida uu ku leeyahay Maraykanka iyadoo muwaadiniinta xukuumadda Washington laga mamnuucay in ay la macaamilaan Martelly.
Sanadkii 2022-dii ayay ahayd markii ay sidoo kale dowladda dalka Canada xayiraado saartay Martelly iyo labo ra’iisul wasaarayaal oo hore oo lagu eedeyay in ay ka macaasheen howlaha kooxaha burcadda ee hubeysan.