Waxaa maanta wargeyska dowladda si rasmi ah loogu daabacay magacaabid uu madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta horay u sameeyay.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa Prof. Fatuma Chege u magacaabay xoghayaha joogtada ee waaxda cusub ee dhaqangelinta isbeddellada la xiriira manaahijta waxbarasho.
Tani ayaa timid ka dib markii maalinkii Talaadada golaha qaran ee xeer dejinta uu ansaxiyay xilka loo magacaabay Prof. Fatuma.
Doodda ku saabsan shaqada haweeneydan loo xil saaray ayuu baarlamaanka maalmo ka hor dhinac isaga dhigay ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada dalka ay su’aal geliyeen in wasaaradda tacliinta lagu soo kordhiyo waax dheeraad ah.
Mudanayaasha oo ay hor kacayaan guddoomiyaha xisbiga ODM John Mbadi iyo Junet Maxamad oo laga soo doortay deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori ayaa ku dooday in magacaabidda Fatuma Chege ay tahay mid aan loo baahnayn.
Waxay sheegeen in xoghayaha waaxda tacliinta aasaasiga Dr .Julius Jwan uu horay u soo noqday agaasimaha machadka horumarinta manaahijta dalka ee (KICD) sidaas awgeedna uu ka soo bixi karo dhaqangelinta isbeddellada lagu sameeyay nidaamka waxbarasho ee wadanka.
Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale sheegay in xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr .Sarah Ruto ay horay u soo noqotay guddoomiyaha machadka KICD sidaas awgeedna ay khibrad shaqo u leedahay horumarka la doonayo ee dhanka hannaanka tacliinta.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee waxbarashada iyo cilmi baarista Florence Mutua ayaa mudanayaasha ku qancisay in ay meel mariyaan magaca Fatuma Chege iyada oo sheegtay in hadii aynan sidan sameyn ay caqabad ku imaan karto geeddisocodka dhaqangelinta manhajka cusub ee dalka.
Nidaamkan oo la rumeysan yahay in uu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadda ayaa ah 2-6-3-3 oo lagu beddelaya midka loo yaqaano 8-4-4 ee la isticmaalayay sanado badan.
Home Wararka Kenya Dowladda oo si rasmi ah u shaacisay magacaabidda xoghayaha waaxda dhaqangelinta manaahijta...