Xamaas oo eedeyn u jeedisay ra’iisul wasaaraha Israa’iil

0
277

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ururka Xamaas ee dalka Falastiin oo lagu magacaabo Osama Hamdan ayaa eedeyn u jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu warbaahinta caalamiga ee Aljazeera u sheegay in Netanyahu uu weli yahay caqabadda ugu wayn ee ku hor gudban in la gaaro heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza iyo maxaabiista xiran oo la siidaayo.
Gudaha Israa’iil waxaa waddooyinka magaalada Tel Aviv iyo degmooyinka kale bannaanbaxyo ku qabtay kumannaan qof oo dalbanaya in Benjamin Netanyahu uu oggolaado soo jeedinta heshiiska xabbad joojinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhexdhexaadiyaasha matalaya Israa’iil ay rajo wanaagsan ka muujiyeen wada hadallada nabadeed ee lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here