Waxaa la filayaa in galinka dambe ee maanta ay magaalada Dooxa ee dalka Qatar dib uga billowdaan wada hadallada nabadeed ee lagu heshiisiinaya Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maraykanka iyo Israa’iil ay halkaasi u dirayaan ergadooda.
Xamaas ayaa dhankeeda dhexdhexaadiyaasha u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la kulanto ka dib marka laga wada hadlo in Israa’iil ay jawaab lagu qanci karo ka bixisay soo jeedinnadii heshiiska xabbad joojinta ee Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale, xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamad bin Cabdulraxmaan Al Thani ay Israa’iil iyo Xamaas ku boorriyeen in ay ka fogaadaan wax kasta oo carqaladeynaya wada xaajoodyada.