In ka badan 20 qof oo saaka lagu dilay Qaza

0
256

Ugu yaraan 20 qof oo Falastiiniyiin ah oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarro ay saaka Israa’iil gaysatay.
Duqeymahan ayaa ka dhacay Bartamaha iyo Koonfurta Marinka Qaza gaar ahaan Nuseirat, Maghazi, Khan Younis iyo Rafah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 ruux oo kale lagu dilay Daanta Galbeed.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , ugu yaraan 39,965 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 92,294 kale.