Belarus oo Ukraine ku eedeysay xadgudub dhanka hawada sare ah

0
463

Dowladda Belarus oo ay saaxiibbo dhow yihiin Ruushka ayaa eedeyn u jeedisay Ukraine.
Waxay sheegtay in xukuumadda Kyiv ay ku soo xadgudubtay hawada sare ee Belarus.
Belarus oo arrintan ka falcelinaysa ayaa ciidamo dheeraad ah gaysay xadka ay la wadaagto Ukraine.
Dhanka kale, nin 35 sano jir ah iyo canugiisa oo 4 sano jir ah ayaa lagu dilay weerar uu Ruushku ka fuliyay aag la deggan yahay oo ku yaalla degmada Brovary ee caasimadda Ukraine ee Kyiv sida laga soo xigtay waaxda qaabilsan ka falcelinta xaaladaha degdegga ah ee dalkaasi.