Jordan oo sheegtay in aynan oggolaan doonin in hawadeeda lagu soo xadgudbo

0
346

Boqortooyada Jordan ayaa sheegtay in aynan marnaba oggolaan doonin in lagu soo xadgudbo hawadeeda sare.
Waxay hoosta ka xarriiqday in aynan cidna fursad u siin doonin in ay Jordan u adeegsato aag dagaal.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu caalamka isha ku haya in dowladda Iiraan iyo ururka Xisbullah ee dalka Lebanon ay ka dhabeyn doonaan hanjabaadii ahayd in ay Israa’iil ku qaadayaan weerarro looga aargoosanaya dilalkii hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh iyo taliyihii militariga ee Xisbullah Fuad Shukr oo lagu kala dilay magaalooyinka Tehraan ee Iiraan iyo caasimadda Lubnaan ee Beirut.