Dacwad ka dhan ah xeerarka COVID19 ee Australia oo maxkamadda la geeyay

0
634

Waxaa maanta maxkamad ku taalla dalka Australia loo gudbiyay dacwad looga soo horjeedo go’aan ay dowladda wadankaas ku mamnuucday in muwaadiniinteeda ay u safraan ama ka soo laabtaan India.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Hasa ahaate dowladda ayaa lagu eedeyay in ay qaadatay go’aan adag ka dib markii toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday in ilaa 15-ka bishan aan laga soo geli karin dhanka India sidoo kalena loo ambabixi karin.
Maxkamad heer federaal ah ayaa Isniinta dhageysan doonto dacwadda la gudbiyay sida uu sheegay madaxa cadaaladda ee Australia James Allsop .