Waalidiinta deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ayaa loogu baaqay in ay xaqiijiyaan in carruurtooda aynan kaxeyn mootooyinka.
Tani ayaa timid ka dib markii dugsiyada la xiray in arday badan ay ku biireen wadidda mootooyinka si ay u soo saaraan qutul maalmeedka qoysaskooda.
Waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wadayaasha mootooyinka ee Malindi oo sheegay in aynan oggolaan doonin inuu gaadiidkan kaxeeyo qof ay da’diisu ka hooseyso 18 sano.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay Juma Kilo oo ah Madaxa xafiiska xildhibaanka ee deegaanka Malindi.