Booliiska Kiambu oo xiray 6 qof oo ku eedeysan burcadnimo

0
251

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kiambu ayaa gacanta ku dhigay 6 ruux oo lagu tuhmayo in ay gaysteen falal dhac ah.
Saraakiisha ayaa sidoo kale howlgalkaasi ku soo helay 6 ka mid ah agabka isgaarsiinta ee ciidamada booliiska.
Dadkan ayaa la xiray ka dib dhac fashilmay oo ay ku bartilmaameedsanayeen guri ku yaalla aagga Ruaka ee dowlad deegaanka Kiambu .
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in ay sidoo kale heleen labo bastooladood.
Taliyaha booliiska ee deegaanka Kiambaa ,Pius Mwanthi ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanayaasha la qabtay ay isku dayeen in ay abaare 11-kii habeennimo guri jabsadaan taasi oo qaylo-dhaan abuurtay.
Pius ayaa intaasi ku daray in kooxdan ay albaabka guriga garaaceen iyagoo xaqiijinaya in la joogo iyo in kale ka hor inta aynan jabsan.
Balse, waxaa markiiba ku soo baxay milkiilaha guriga iyagoo goobta iskaga cararay oo raacay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo ku soo wajahnaa magaalada Nairobi.
Hasa ahaate, laama ammaanka oo la wargeliyay ayaa baabuurkaasi istaajiyay oo gacanta ku dhigay tuhmanayaasha.
Taliyaha booliiska ee Kiambu ayaa laga soo xigtay in dhacdooyinka guriyaha la jabsanaya ay ku soo bateen ismaamulkaasi oo ay wadaan dadaallo dhibaatadan lagula tacaalaya.
Mwanthi ayaa xusay in booliiska ay baaritaano dheeraad ah ku sameynayaan 6-da qof oo sidoo kale lagu helay waxyaabaha guriyaha lagu jabsado kuwaasi oo hadda xabsiga ku jiro ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.