DHAGEYSO:Ugu yaraan 60 qof oo hanti looga dhacay Uasin Gishu

0
212

Waxaa ciidamada booliiska ee magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu warbixinno cabasho ah u gudbiyay in ka badan 60 ruux.
Dadkan ayaa sheegaya in hantidooda laga dhacay ka dib markii maalgashade lagu magacaabo Ambrose Makech Abuti uu ka dhaadhiciyay barnaamij maalgashi oo been abuur ah.
Dhibanayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in ninkan uu adeegsaday mas’uuliyiinta kaniisadaha si uu qorshahan u suuqgeliyo.
Waxay saraakiisha ammaanka ku eedeynayaan in ay tuhmanaha ka badbaadinayaan in maxkamadda la soo taago.
Dadweynaha ayaa su’aal gelinaya sababta aan ilaa iyo hadda loo soo qaban Ambrose Makech Abuti oo ah milkiilaha shirkadda maalgashiga ee Spring Mark.