Barasaabyada ismaamullada oo ka cabanaya in aynan haysan dhaqaale ay kula tacalaan COVID19

0
537

Golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada wadanka ee CoG ayaa walaac ka muujiyay caqabad dhanka kheyraadka ah oo ay wajahayaan dowlad deegaannada.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Embu Martin Wambora ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda aynan dowladaha ismaamullada weli ku wareejin 70.2 bilyan oo shilin.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu Wambora ka sheegay in ay weli dowladda dhexe ka sugayaan lacagtan iyada oo miisaaniyad sanadeedka 2020-2021-ka uu ku egyahay 30-ka bisha lixaad.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dib u dhaca dhanka soo saaridda dhaqaalaha ee jira uu carqaladeeyay wax ka qabashada cudurka COVID19 iyo u adeegidda shacabka.
Guddoomiyaha Embu ayaa xusay in ay jiraan ismaamullo aan shaqaalahooda mushaar siin in ka badan saddex bilood.
Martin Wambora ayaa dhanka kale soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta koowdii bishan meesha kaga saaray xayiraadii dhanka isku socodka ee horay loogu soo rogay 5 dowlad deegaan.
Hasa ahaate waxaa uu dadweynaha ugu baaqay in ay sii taxadaraan maadaama halista cudurka COVID19 ay weli jirto.