Gachagua oo sheegay in uunan is casili doonin

0
194

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in uunan arag mooshin la doonaya in xilka looga xayuubiyo.
Waxaa uu sheegay in xita haddii qorshahaasi uu jiro aan lagu guulaysan karin.
Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo qaar ka mid ah dadweynaha ay ku eedeynayaan inuu carqaladeynaya maamulka madaxweyne William Ruto in uunan is casili doonin.
Waxaa uu sheegay in keliya kenyaanka ay xafiiska ka saari karaan.
Xilli uu u warramayay warbaahinta ku hadasha afka hooyo ee bulshada bartamaha dalka ayuu Gachagua difaacay xiriirka kala dhexeeya madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu sheegay in xiriirkooda uu wanaagsan yahay oo uu sii wadi doono in ay iska garabsadaan mideynta dadkooda.