Guddiga PSC oo la sheegay in uunan wada shaqaaleysiin karin ardayda uu tababaro

0
168

Justin Muturi oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka adeegga dadweynaha ayaa qiray in guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uunan awoodin inuu wada shaqaaleysiiyo ardayda maray tijaabada shaqo ee uu tababarka siiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in howlgelinta shakhsiyaadkan ay ku xiran tahay fursadaha shaqo ee jira.
Muturi ayaa sheegay in loo baahan yahay in diiradda la saaro sidii xal loo heli lahaa iyadoo loo maraya siyaasado iyo xeerar dhallinyarada u abuuraya jawi ku habboon shaqooyinka.
Waxaa uu ballan qaaday in haddii baarlamaanka uu magacaabidiisa meel mariyo uu guddiga adeegga dadweynaha ee PSC kala tashan doono sida loo fududeyn karo cadaadis saaaran ee heerka sarreeya ee shaqo la’aanta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku dadaali doono in dadka da’a ah ee weli shaqeynaya ay fursad siiyaan dhallinyarada.
Justin Muturi ayaa tilmaamay in ay jiraan howlwadeenno ku dhow in ay shaqooyinka ka fadhiistaan balse ku xigeenadooda ay aad uga hooseeyaan dhanka heerka shaqada tani oo uu ku micneeyay qalad u baahan in la xalliyo.
Dhanka kale, qiimaha lacageed ee hantidiisa ayuu ku sheegay 801 milyan oo shilin.
Markii uu sanadkii 2022-kii noqonayay xeer ilaaliyaha guud ee dalka waxaa uu hantidiisa ku sheegay 761 milyan oo shilin.
Lacagtan ayuu xusay in ay ka kooban tahay hanti uu ku leeyahay ismaamulka uu ka soo jeedo iyo macaashka beertiisa.
Haddii la ansixiyo , waxaa uu buuxin doonaa jagadii uu hayay Moses Kuria.
Waxyaabaha u qorsheysan inuu diiradda saaro waxaa ka mid ah dhaqangelinta barnaamijka maareynta waxqabadka shaqaalaha dowladda si loola xisaabtamo.
Waxaa uu sheegay inuu dhaqangelin doono nidaam lagu abaal marinaya shaqaalaha dowladda ee ugu waxqabadka fiican waaxyaha kala duwan.
Muturi ayaa xusay in baahi wayn loo qabo abaalgud ku saabsan waxqabadka si howlwadeennada niyadda loogu dhiso.
Wuxuu sheegay in aynan qasab ahayn in abaal marinta ay noqoto lacag sidoo kalena ay go’aamin doonaan in sidan la sameynaya bil kasta ama afartii biloodba mar.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu isku duba ridi doono isgaarsiinta barnaamijyada dowladda isagoo tilmaamay in wargelinnada qaar ay soo bixi jireen saqda dhexe ee habeenkii.
Waxaa uu ku celceliyay inuu si buuxda ugu hoggaansami doono dastuurka dalka si loo hubiyo in shaqaalaha dowladda loo howlgeliyo si ay cadaalad iyo sinnaan ku dheehan tahay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu soo bandhigi doono warbixin ku saabsan waaxyaha dowladda ee baal mara nidaamyada degsan.
Justin Bedan Muturi ayaa sheegay in arrimaha sinnaanta jinsiyadeed iyo mataaladda la xallin karo haddii dhammaan waaxyaha dowladda ay u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.