Haweeney 9 canug ku umushay Morocco

0
791

Wararka naga soo gaaraya dalka Morocco ayaa sheegaya in haweeney umushay ay dhashay 9 carruur ah.
Waxaa lagu magacaabaa Xaliima Ciise oo 25 sano jir ah waxayna dhalasho ahaan ka soo jeeda Mali.
Khuburrada caafimaadka ayaa horay u sheegay in ay caloosha ku sido 7 balse ka dib markii baaritaano dheeraad ah la sameeyay ayaa la ogaaday in ay sagaal yihiin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhakhaatiirta Mali ay bishii saddexaad ee sanadkan sheegeen in hooyadan ay u baahan tahay daryeel gaar ah taasoo keentay in loo qaado wadanka Morocco oo ay ku umushay.
Carruurta ay abreeshin ama qalliin ku dhashay ayaa isugu jiro 5 gabdhood iyo afar wiil.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Mali Fanta Siby ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hooyada iyo dhammaan carruurta ay badqabaan.
Mrs. Siby oo u hambalyeeysay Xaliima Ciise ayaa sheegtay in iyada iyo carrurteeda Mali dib loogu soo celin doono toddobaadyo ka dib.
Maamullada caafimaadka ee Morocco ayaan ilaa iyo hadda xaqiijin in dhacdadan ay tahay mid aan caadi ahayn.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee dalkaas Rachid Koudhari ayaa sheegay in uunan xusuusan dhacdadan mid la mid ah oo horay loo diiwaangeliyay.