Ismaamulka Nairobi oo shaqaaleysiin doono 43 dhakhaatiir ah oo horay uga tirsanaa NMS

0
351

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa si joogto ah u shaqaaleysiin doonto 43 saraakiil caafimaad ah oo horay uga tirsanaa maamulkii loo xil saaray bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee caasimadda dalka ee NMS.
Heshiiskan ayaa la gaaray ka dib kulan ay yeesheen xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Dr. Davji Atellah iyo barasaabka ismamaulka Nairobi Johnson Sakaja.
Howlwadeennadan ayaa isugu jiro 35 saraakiil caafimaad ah iyo 8 leh takhasusyo gaar ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in howlwadeennadan 12-ka bishan Sideedaad la siiyo warqadaha caddeynaya in si joogto ah loo howlgeliyay maadaama ay horay ku shaqeynayeen qaab qandaraas ah.