Xasan Cumar oo loo magacaabay xoghayaha guud ee ku meel gaarka ah ee UDA

0
228

Xasan Cumar oo loo magacaabay xoghayaha guud ee ku meel gaarka ah ee UDA
Waxaa xilka xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee UDA si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xasan Cumar.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga fulinta ee xisbiga uu meesha ka saaray go’aankii horay jagadan loogu dhiibay Cleophas Malala .
UDA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in isbeddelkan uu si degdeg ah u dhaqan galaya.
Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa Malala ku eedeyay inuu ka soo horjeestay geeddisocodka uu madaxweynaha dalka William Ruto ku soo dhisaya xukuumad ka turjumaysa midnimada qaranka.
Xasan Cumar ayaa ah guddoomiye ku xigeenka UDA.
Guddiga qaran ee fulinta ee xisbigan ee NEC ayaa bayaankiisa ku xusay in guddiga qaabilsan arrimaha doorashooyinka lagu amray inuu sameeyo isbeddellada lagama maarmaanka ah oo uuna sii wado wajiga koowaad ee doorashooyinka saraakiisha UDA ee deegaannada hoose.
NEC ayaa intaasi ku dartay in xisbiga uu dhaqan gelinaya tallaabooyin dhanka maamulka ah si loo dardargeliyo ajeendihiisa oo looga dhigo mid wada tashi ballaaran ku saleysan.
Guddoomiyaha xisbiga UDA ahna barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire ayaa horay ugu baaqday shirka guddiga fulinta ee NEC ee maanta.
Waxaa taasi ka soo horjeestay oo maxkamadda tagay Cleophas Malala oo ku doodayay in loo baahan yahay in kulankan uu qabsoomo Jimcada dambe.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay rabshado ka dhaceen xarunta dhexe ee UDA ee magaalada Nairobi.