Maxkamadda Guinea oo taliye militari oo hore xirtay 20 sano

0
357

Maxkamad ku taalla dalka Guinea ayaa xukun xabsi oo 20 sano ah ku ridday Moussa Dadis Camara oo horay u soo noqday taliye militari.
Waxaa loo haystay inuu gaystay dembiyo ka dhan ah aadanaha.
Maxkamadda qaabilsan dhageysiga iyo go’aan ka gaaridda dacwadaha la xiriira dembiyada ayaa xukunkan soo saartay ka dib labo sano oo ay dacwaddan ka dhanka ah Camara socotay.
Eedeymaha loo jeediyay waxaa ka mid ah inuu sanadkii 2009-kii guddoomiyay howlgallo ay ciidamada ku dileen ugu yaraan 156 qof.
Guddi ka tirsan qaramada midoobay oo sameeyay baaritaano xaqiiqo raadin ah ayaa warbixintiisa ku sheegay in xilligaasi la kufsaday 109 haween ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dembiyada sida dilalka , jirdilka ,kufsiga iyo afduubka ay dhammaantood liddi ku yihiin xuquuqul insaanka.
Waxaa sidoo kale xukunno la saaraya 7 kale oo ahaa taliyaal militari .
Afar sarkaal ayaa la siidaayay ka dib markii dembiyadan lagu waayay.
In ka badan 100 qof oo isugu jiro dad badbaaday iyo ehellada dhibbanayaasha loo gaystay falalkan ayaa ku marqaati kacay eedeysanayaasha uu ka mid yahay Camara tan iyo sanadkii 2022-kii.
Maxkamadda ayaa amartay in magdhow lacageed oo ah 23,000 oo doollar ilaa 174,000 oo doollar la siiyo dhibbanayaasha.