Israa’iil oo sheegtay in ay dishay taliyihii militariga ee Xamaas

0
333

Militariga Israa’iil ayaa sheegaya inuu 13-kii bishii Toddobaad ee sanadkan dilay taliyihii gaashaandhigga ee ururka Xamaas Maxamad Deif.
Waxaa xilligaasi looga takhalusay duqeyn dhanka cirka ah oo laga fuliyay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza.
Dhanka kale , laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,480 qof oo Falastiiniyiin ah iyadoo la dhaawacay 91,128 ruux oo kale.