Amni darro saameysay qaybo ka mid ah Garissa oo laga shiray

0
378

Ka dib markii dhawaan falal amni darro ay ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Garissa ayaa waxaa arrinkaasi shir degdeg ah ka yeeshay guddiga nabadgalyada ee Garissa.
Iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Waqooyi Bari John Otieno ayaa ciidamada ammaanka uga digay in ay laaluush qaataan ka dibna siidaayaan shakhsiyaadka loo soo xiro dhibaateynta bulshada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in falalkan ay gaysanayaan dhallinyaro ay da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 20 sano oo ku hubeysan mindiyo.
Otieno ayaa hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah da’yartan lagu qabtay nooca daroogada ee xashiishka.
Iskuduwaha ammanka ee gobolka Waqooyi Bari ayaa intaasi ku daray in ay si wayn ula dagaallami doonaan ka ganacsiga xashiishka .
Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan oo sheegay inuu la kulmay culimada ayaa ku boorriyay in ay bulshada ka wacyi geliyaan falal dambiyeedyada iyo maandooriyaha .