Australia oo gargaar baniaadanimo gaarsiisay India

0
372

Ra’iisul wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dowladiisa ay billowday in ay caawimaad gaarsiiso dalka India ka dib ballanqaad ay sameysay toddobaadkii hore.
Gargaarka waxaa qayb ka ah agabka la iskaga difaaco cudurka ee PPEs iyo neef caawiyaha.
Waxaa agabkan qaybin doonto hay’adda laanqayrta cas ee India iyo maamullada kale ee maxalliga ah si loo gaarsiiyo bukaannada u baahan.
Gargaarka ay dowladda Australia u dirtay India ayaa ku soo aadaya iyada oo wadankaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay laga diiwaangeliyay 3,780 ah dhimasho ka dhalatay cudurka COVID19.
Xaaladaha caabuqa ayaa kor u dhaafay 20 milyan ka dib markii maanta la xaqiijiyay 382,315 oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here