Madaxweynaha Ukraine oo booqday ciidamada ku sugan Kharkiv

0
130

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqasho ugu tagay ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Kharkiv.
Saraakiisha militariga ee halkaasi joogo ayaa sheegay in ay iska caabbiyeen 6 weerar oo uu Ruushka ku soo qaaday 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay.
Socdaalka Zelensky ayaa ku soo aadaya iyadoo xukuumadda Moscow ay sheegaysa in ciidamadeeda ay la wareegeen tuulada Vovche oo ka tirsan gobolka Donetsk ee Bariga Ukraine.
Bishii hore ayay ahayd markii ay maamullada Ukraine dadka weli ku harsan Vovche ay ku boorriyeen in ay halkaasi iskaga baxaan si ay uga badbaadaan duqeymaha dhanka cirka ee uu Ruushku wado.
Dabayaaqadi sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu Ruushku sheegay inuu Ukraine ka goostay gobolka Donetsk iyo saddex kale in kastoo aynan xukuumadda Moscow si buuxda gacanta ugu hayn deegaannadan.
Guddoomiyaha dowladda Ukraine ku matalo gobolka Donetsk ,Vadym Filashkin ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay maanta dileen saddex qof halka ay saddex kalena dhaawaceen.
Dilalkan ayaa laga gaystay magaalada Toretsk oo ay maamusho xukuumadda Kyiv.
24-kii bishii Labaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu billowday duullaanka militari ee uu weli Ruushka ku haya Ukraine.