Macallimiin shaqooyin ka helay Maraykanka oo ka ambabaxay dalka

0
209

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sagootiyay macallimiin kenyaan ah oo fursado shaqo ka helay dugsiyada degmooyin ka tirsan Maraykanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta xuquuqda iyo badqabka muwaadiniinta ku nool qurbaha.
Mudavadi ayaa sheegay in qurbajoogta ay wax badan ku biiriyaan kobaca dhaqaalaha dalka.
Waxaa uu macallimiintan kula taliyay in ay sare u sii qaadaan hal-beegga waxbarasho ee Kenya ee saaxadda caalamiga ah.
Mudavadi ayaa barayaasha ku boorriyay in ay dhiirigelin u noqdaan muwaadiniinta kale ee ku haminaya in ay qurbaha u shaqo tagaan.
Madaxa wasiirrada ayaa intaasi ku daray in macallimiinta waddanka u dhashay ee shaqooyinka ka helay Maraykanka ay caddeyn u tahay in daafaha caalamka ay ka jiraan baahiyo dhanka tacliinta ah oo ay dabooli karaan aqoonyahaannada kenyaanka ah.