DHAGEYSO:Xisbiga PNU oo doonaya inuu isaga baxo isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya

0
342

Xisbiga PNU ayaa shaaca ka qaaday inuu doonaya in uu isaga baxo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya.
Madaxa xisbiga PNU Peter Munya ayaa sheegay in golaha qaran ee fulinta ee (NEC) ee xisbigan uu maalinta Khamiista kulan yeelan doona ka dibna go’aan ay soo saari doonaan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto uu xilalka wasiirrada u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ODM oo xubin ka ah isbeheysiga Azimio.