Xildhibaanada iyo senatarrada oo maanta dhageysan doono khudbadda madaxweynaha Tanzania

0
558

Waxaa maanta qabsoomaya kal-fadhi ay si wada jir ah uga qayb galayaan xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta iyo senatarrada aqalka sare.
Kulankan ayaa waxaa khudbad ka jeedin doonto madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan oo shalay dalka booqasho rasmi ah ku timid.
Waxay noqon doontaa madaxweynihii saddexaad ee dal kale oo baarlamaanka u khudbeeya.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii baarlamaanka uu khudbad ka hor jeediyay madaxweynihii hore ee dalka Tanzania Jakaya Kikwete halka sanadkii 2013-kii , hoggaamiyihii Nigeria Goodluck Jonathan uu la hadlay siyaasiyiinta Kenya.