Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu kordhin doono miisaaniyadda ciidamada booliiska.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay door ka qaadan doonto xallinta caqabado soo jireen ah oo ay waaxdan wajahaysa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalgelintan ay fududeyn doonto howlaha maalinlaha ah ee ciidamada ammaanka.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in saraakiisha booliiska la siiyo taageero kasta oo ay u baahan yihiin si ay waajibaadkooda uga soo baxaan si dhameystiran.
Hasa ahaate , waxaa uu tilmaamay in iyadoo ay dowladdu u qoondeynaysa raasimaal dheeraad ah in ciidamada ammaanka ay ku qasban yihiin in ay shaqooyinkooda u gutaan si waafaqsan xeerarka dastuuriga ah.