Guddoomiyaha baarlamaanka dalka oo sheegay inaysan awood u lahayn inay wax ka beddellaan BBI

0
511

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay inaysan awood u lahayn inay wax ka beddellaan arrimaha BBI-da
Waxaa uu sheegay in shacabka aftida aadaya ay gacantooda ku jirto waxa ay ka dhihi lahayeen qoddobada ku xusaan geddiscodka la doonaya in wax looga beddelo xeerarka wadanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xubnaha baarlamaanka ay su’aalo geliyeen tallaabada xigta ee la doonayo in la qaado oo ay ka mid tahay in qoraalka BBI dib u eegis dheeraad ah lagu sameynaya iyo in kale.
Qodobbada muranka dhaliyay waxaa ka mid ah soo jeedinta la xiriirta in la soo dhiso 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah tani oo xildhibaanada qaar ay dalbanayaan in meesha laga saaro.
Mudanayaasha ayaa ku doodaya in deegaan baarlamaneed lagu soo kordhiyo wadanka ay tahay shaqada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.