Xildhibaankii hore ee Koonfurta Isiolo oo musuqmaasuq loo xiray

0
210

Saraakiisha dambi baarista ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaankii hore ee deegaanka Koonfurta Isiolo, Cabdi Tepo iyo xaaskiisa Xalima Gura Roka.
Waxaa loo haystaa in ay sanduuqa caymiska qaran ee caafimaadka ee (NHIF) ay ka lunsadeen 199 milyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha ay lacagtan heleen ka dib markii ay gudbiyeen sheegasho khiyaano ku saleysan.
EACC ayaa intaasi ku dartay in lacagtan intii u dhexeysay 2021-kii iyo 2023-kii lagu wareejiyay farmashiyaha iyo xarunta caafimaadka ee Beirut .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la xiray howlwadeennada farmashiyaha Beirut , maareeyaha NHIF ee xaafadda Islii iyo sarkaalka qaabilsan tayadhowrka.