Kalonzo Musyoka oo sheegay in Azimio ay weli awood leedahay iyadoo xubnaha ODM loo magacaabay wasiirro

0
224

Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in isbeheysigan uu weli leeyahay awood siyaasadeed.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto uu xilalka wasiirrada u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan ODM.
Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale beeniyay inuu diyaar u yahay inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.
Waxaa uu cadeeyay in uunan daneynayn inuu noqdo la-taliyaha sare ee dhanka sharciga ee maamulka Kenya Kwanza.
Sidoo kale, waxaa uu xusay in xisbiga ODM uunan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ku soo wargelin inuusan ka sii mid ahaan doonin.