Xamaas oo dhaliil u jeedisay Netanyahu

0
239

Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhaliilay in khudbadii uu u jeediyay golaha kongareeska ee Maraykanka ay ka buuxeen waxyaabo aan xaqiiqada ku saleysnayn.
Waxay sheegeen in uunan daacad ka ahayn xabbad joojin ka dhaqan gasho Qaza.
Xamaas ayaa hoosta ka xarriiqday in Netanyahu uu is hor taagay dhammaan dadaallada lagu soo afjaraya duullaanka militari ee Qaza iyo in la gaaro heshiis ay Israa’iil iyo ururkan isku dhaafsanayaan maxaabiista u kala xiran.
Dhanka kale , iyadoo uu Netanyahu u khudbeynayay xeer dejiyaasha golaha kongareeska ee Maraykanka waxaa dhanka kale , magaalada Washington, DC ka socday bannaanbaxyo lagu dalbanaya inuu soo idlaato dagaalka Qaza.