In ka badan 800 oo muhaajiriin ah oo toddobaadkii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha Libya

0
604

In ka badan 800 oo muhaajiriin aan sharci sidan ayaa laga qabtay xeebta Libya isbuucii la soo dhaafay, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Laga soo bilaabo 25-kii Abriil ilaa 1-dii May, “818 muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyey ama lagu qabtay badda, waxaana dib loogu celiyey Liibiya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay’addu.
IOM ayaa intaa ku dartay in 6,992 muhaajiriin ah la qabtay isla markaana lagu soo celiyey Liibiya ilaa iyo sannadkan, oo ay ku jiraan 545 haween ah iyo 335 carruur ah.
Sidoo kale ila iyo sannadkan 2021-ka ,139 muhaajiriin ayaa dhintay halka 349 kalena lagu la’yahay marinka dhexe ee badda Mediterranean sida ay sheegtay IOM.
Sanadkii 2020-kii, 11,891 muhaajiriin ah ayaa gacanta lagu dhigay waxaana dib loogu celiyay Libiya, halka 381 kale ay dhinteen waxaana tan iyo xilligaas aan meel lagu sheegin 597 qof .