3 muwaadin oo u dhashay dalka Cameeroon oo lagu qabtay lacag iyo dahab been abuur

0
538

Saraakiisha waaxda dambi baarista ee dalka ee DCI-da oo u fadhigoodu yahay deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu ayaa gacanta ku dhigay saddex muwaadin oo u dhashay dalka Cameroon ka dib markii lagu helay lacag dhan 362 milyan oo shilin dalka iyo dahab 150 kiloo garaam oo dhamaantood been abuur ah.
Lacagta iyo dahabka faalisada ah ayaa xalay fiidkii laga helay guri u dhisma ka socday oo ku yalla wadada xiriiriso deegaanka Ruiru iyo Kiambu.
Lacagta la soo helay ayaa isugu jirtay doolar, Pound iyo shilinka dalka.
Waxaa ay lacagta ku soo qariyeen boorsada nooca nayloonka ah.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay Paulin Francis oo 44 sano jir ah, Njikam Omar oo 37 jir ah iyo Jacob Kentong oo 31 jir ah.
Waxaa la geeyay saldhigga booliska ee Ruiru, iyadoona baaritaano dheeraad ay socdaan.
Madaxa waaxda dambi barista ee DCI-da laanteeda deegaanka Ruiru Justus Ombati, ayaa sheegay inuu tuhunsan yahay in saddexda qof ay lacagta been abuurka ah u adeegsanayeen inay alaabo ku iibsadaan, kaddibna baaqiga uu soo noqdo uu ahaado lacag rasmi ah.
Mr Ombati ayaa sheegay inay baarayaan halka lacagta been abuurka ah ay ka timid.