Hay’adda UNRWA oo dalbatay in lala xisaabtamo Israa’iil

0
215

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo Israa’iil.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada militariga ee Israa’iil ay weerareen kolonyo baabuur ah oo ay leedahay qaramada midoobay oo u safrayay magaalada Qaza.
Mas’uulkan ayaa xusay in baabuurtan ay leeyihiin astaan muujinaysa inay yihiin gawaarida jimciyadda qurumaha ka dhexeysa sidaasi awgeedna aan lagu qaldami karin ayna qalad tahay in la bartilmaameedsado.