Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay ka hor tageen in ay hawada sare ee waddankaasi soo gudbaan diyaarado laga leeyahay Maraykanka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda difaaca ee Ruushka oo qoraal soo dhigtay barta Telegram.
Hasa ahaate, waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaan weli ka hadlin sheegashada xukuumadda Moscow.