DHAGEYSO:Wasaaradda caafimaadka oo maro –kaneeco ku qaybisay Busia

0
190

Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni ayaa maro-kaneeco ku qaybisay ismaamulka Busia .
Waxay sheegtay in tani ay qayb ka tahay dadaallada ay wasaaraddu sare ugu qaadaysa dagaalka ka dhanka ah xanuunka duumada ama malaariyada.
Ilaa 22 ismaamul oo ay duumada ku badan tahay ayaa barnaamijkan laga fulinaya waxaana ka faa’iidaysanaya 15 milyan oo qoysas ah.
Heerka xanuunka duumada ee Busia ayaa ah boqolkiiba 39.
Mary Muthoni ayaa sheegtay in la sii wadi doono ololaha shacabka loogu qaybinaya maro –kaneecooyinka si ay uga gaashaantaan qaniinyada kaneecada ee keenta duumada.

Ismaamullada kale ee ololahan lagu bartilmaameedsanaya waxaa ka mid ah Homa Bay, Nyamira, Migori , Kisii, Kisumu, Siaya iyo Mombasa.