Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka kula taliyay in ay ku kalsoonaadaan in maamulka madaxweyne William Ruto uu xallinaya caqabadaha jira.
Waxaa uu dhallinyarada ka codsaday in ay waddaniyad muujiyaan oo ay dowladda fursad u siiyaan wax ka qabashada tabashooyinkooda maadaama la dhageystay.
Gachagua ayaa da’yarta ugu baaqay in ay soo afjaraan mudaaharaadyada oo uu sheegay in ay ka faa’iidaysanayaan dambiilayaal gaysanaya dhac iyo burburin hantiyeed.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ku sugnaa xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi isagoo dhanka kale soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha.