Erdogan oo sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil ay la kulanto cawaaqib xumo

0
495

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil loo ciqaabo xadgudubyada ay ka gaysanaysa Falastiin.
Waxaa uu xusay in tani ay cid kale ka hor istaagi doonto in ay ku kacdo gabood-fallo noocani ah.
Erdogan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay maxkamadda ICJ ee ahaa in Falastiiniyiinta ay xaq u leeyihiin dowlad madax bannaan sidoo kalena ay sharci darro tahay deegamaynta iyo haysashada dhulka Falastiin ee ay Israa’iil ku howlan tahay.
Waxaa uu madaxweynaha Turkiga sheegay inuu rajeynaya in go’aanka maxkamadda iyo kuwii ka sii horreeyay ee aynan Israa’iil dhaqangelin sida uu hadalka u dhigay ay hurdada ka toosin doonaan beesha caalamka .