Raila Odinga oo shuruudo ku xiray wada hadallada uu la yeelanaya madaxweynaha

0
470

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in ay jiraan waxyaabo uu dalbanaya in la fuliyo ka hor inta aynan billaaban wada hadallada kala dhexeynaya maamulka madaxweyne William Ruto.
Shuruudaha uu Raila ku xiray wada xaajoodyada waxaa ka mid ah in marka hore magdhow la siiyo qoysaska dadkii ku dhintay dibadbaxyada sidoo kalena meesha laga saaro dhammaan dacwadaha la xiriira mudaaharaadyadii dhacay.
Mr. Odinga ayaa bayaan ku xusay inuu qabo in cadaalad ay ka soo horumarto wada hadal kasta.
Sidoo kale , waxaa uu dalbanaya in la soo siidaayo cid kasta oo la xiray ama la afduubtay .
Shardiga kale ee Mr. Odinga ayaa ah in dowladdu ay xalliso tabashooyinka shaqaalaha caafimaadka iyo barayaasha wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada JSS.
Madaxa Azimio ayaa sidoo kale doonaya in meesha laga saaro qorshaha caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee (SHIF) oo uu sii jiro hannaanka NHIF.
Qodobka kale ee uu xusay Raila Odinga ayaa ah in la maxkamadeeyo dhamaan saraakiisha ammaanka ee xadgudubyada gaystay tan iyo markii ay soo billowdeen dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in marka arrimahan la xalliyo ay diiradda saari karaan wada hadal qaran oo loo wajahaya si ay ku dheehan tahay dhexdhexaadnimo iyo daahfurnaan.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ku baaqay in wakiillada ka qayb galaya wada hadallada laga soo xusho dhallinyarada , dowladda , madaxda diimeed, saraakiisha caafimaadka , qareennada iyo macallimiinta .
Raila ayaa sheegay in ay qasab tahay in la isku yimaado oo laga wada xaajoodo arrimo qaran iyo kuwo muhiim oo dastuuri ah oo taabanaya maamulka , sicir bararka nololeed, ciribtirka qabyaaladda , la dagaallanka musuqmaasuqa , maareynta deymaha iyo howlaha maaliyadeed.
Waxaa uu dhallinyarada u sheegay inuu ku faraxsan yahay halganka ay wadaan sidaasi awgeedna uu aaminsan yahay in isbedellada ay da’yarta doonayaan lagu xallin karo wada hadallo qaabeysan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay ugu baaqay shir ballaaran oo ay ka qayb galayaan daneeyayaal kala duwan.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in shirkan uu billowdo Isniintii la soo dhaafay balse taasi ayaan suurtagelin.
Afhayeenka dowladda dhexe, Isaac Mwaura ayaa sheegay in dowladda iyo mucaaradka aynan welin ku heshiin qodobbo muhiim ah.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in aan weli la soo saarin liiska kama dambeyska ah ee shakhsiyaadka ka qayb galaya wada xaajoodyada qaran.