Madaxa mucaaradka wadanka India Rahul Gandhi ayaa soo jeediyay in dalkaas lagu soo rogo xayiraad qaran oo dhanka isku socodka ah.
Waxaa uu sheegay in tallaabadan ay kaalin wayn ka qaadanayso xakameynta faafidda cudurka COVID19 oo wadankaas faro ba’an ku haya.
India ayaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 20 milyan oo ah kiisaska caabuqa corona waxaana dhanka tirada xaaladaha kaga horreeya keliya Maraykanka.