Qof lagu qabtay xashiish oo lagu xiray Kwale

0
267

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta ayaa gacanta ku dhigay eedeysane loo haysto ka ganacsiga daroogada.
Waxay saraakiisha sheegen in Elisha Omondi oo 32 sano jir ah lagu helay maandooriyaha nooca xashiishka.
Qiimaha lacageed ee daroogadan aya alagu sheegay in ka badan 11 milyan oo shilin.
Ciidamada qaabilsan la dagaallanka maandooriyaha ee ANU ayaa eedeysanaha ku qabtay xarunta Mdomo ee waddada u dhexeysa degmooyinka Samburu iyo Kinango ee ismaamulka Kwale.
Xashiishka la qabtay ayaa mug ahaan dhan 389.45 kiilogaraam.