Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka Douglas Kanja ayaa shaaciyay in la mamnuucay in dibadbax laga sameeyo bartamaha magaalada Nairobi iyo meelaha u dhow.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in amarkan uu sii shaqeyn doono ilaa iyo inta laga xaqiijinaya badqabka dadweynaha.
Kanja ayaa sheegay in maadaama dibadbaxayaasha aynan hoggaamiyaal lahayn ay ciidamada ammaanka ku adkaatay xakameynta xaaladda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay dhallinyarada dalka horay u sheegeen in ay maanta isku soo bax ku qaban doonaan fagaaraha Uhuru Park.
Kanja ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay in ay feejignaadaan oo ay saraakiisha ammaanka garab ku siiyaan la tacaalidda dambiilayaasha doonaya in ay mudaaharaadyada ka faa’iidaystaan si ay u gaystaan boob hantiyadeed.
Dhallinyarada dibadbaxaya ayaa dowladda ka dalbanaya maamul wanaagsan iyo la xisaabtanka mas’uuliyiinta.