DHAGEYSO:Wariyaasha oo dibadbax ku hanjabay haddii uu sii socdo bartilmaameedsiga ka dhanka ah

0
510

Madaxa ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG, Zubeida Kananu iyo Xoghayaha Guud ee ururka wariyaasha waddanka ee KUJ Eric Oduor ayaa cambaareeyay xarig maanta lagula kacay rugcadaa saxaafadeed Zubeida Kananu.
Waxay sheegeen in aynan marnaba aqbali karin arrintan ay booliiska sheegeen ee ah in suxufigan si qalad ah loo xiray.
Zuebida ayaa wacad ku martay in haddii uu bartilmaameedsiga ka dhanka ah wariyaasha sii socdo ay dibadbax sameyn doonaan.
Waxay dalbatay in 7 cishe gudaheeda tallaabo looga qaado cidda dhibaateynaysa suxufiyiinta.
Waxay intaasi ku dartay in aynan ka hari doonin dhibaatada loo gaystay Gaitho ilaa uu cadaalad ka helaya.