Dowladda Kenya ayaa sheegtay in booqashada rasmiga ee ay maanta dalka ku imaanaysa madaxweynaha wadanka Tanzania Samia Suluhu Xasan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu wanaajin karo xiriirka ka dhexeya labada dal ee dariska ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha Tanzania ay gudaha Kenya ku sugnaan doonto labo cisho.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in marka ay Samia timaado lagu soo dhaweyn doono rasaas sharafeed 21 ah.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku soo dhaweyn doono madaxtooyada halkaas oo ay ku wada hadli doonaan.
Sidoo kale laba madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay ka qayb galaan shir ay yeelanayaan jaaliyadaha ganacsiga ee Kenya iyo Tanzania.
Mrs. Samia Suluhu ayaa kulan la qaadan doonto haweenka xilalka fulinta ka haya shirkadaha ganacsiga.
Intii uu xilka hayay madaxweynihii geeriyooday ee Tanzania John Pombe Magufuli ayuu labada dal khilaaf soo kala dhex galay .
10-kii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu wasiiradda cayaaraha, hidaha iyo dhaqanka ee Kenya Aamina Maxamad dhambaal casuumaad ah ugu dhiibay madaxweynaha Tanzania.