Ugu yaraan 8 qof ayaa lagu dilay waqooyi bari ee dalka Nigeria

0
571

Kooxda Boko Haraam ay ka dagaalanta dalkaasi ayaa la sheegay inay weeraka geysteen.
Maleeshiyada ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaala Ajiri ee gobolka Borno, halkaas oo ay ku dileen sideed qof oo uu ka mid ahaa sarkaal militiri halka la dhawaacay tiro kale.
Kooxda Boko Haram ayaa Waqooyi Bari dalka Nigeria ka bilowday weerarro 2009-kii kaddibna ku fiday dalalka dariska la ah ee Niger, Chad, iyo Cameroon.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani’aamdanimada ayaa laga soo xigtay in 30,000 oo qof ay dileen kooxdaasi halka 3 milyan ay ku barakaceen.
Rabshadaha ay gaystaan Boko Xaraam ayaa saameeyay 26 milyan oo qof oo ku nool gobolka harada Chad waxayna barakiciyeen 2.6 milyan oo kale, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.