Ugu yaraan 8 qof oo lagu dilay dibadbaxyada dalka Myanmar

0
483

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda dalka Myanmar ka dib markii ciidamada militeriga ay rasaas ku fureen dad mudaaharaadayay.
Dibadbaxan oo ahaa kii ugu weynaa ayaa looga soo hor jeeda xukunka awooda ee uu militeriga ku qabsaday dalkaasi.
Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay caasimadda iyo dhamaan magaalooyinka dalka Myanmar shalay iyaga oo sameeyay waxa ay ugu yeereen “kacdoonka dunida ee Myanmar”.
Dadka la dilay ayaa lagu kala toogtay magaalooyinka kala duwan ee Myanmar.
Militeriga ayaa xukunka kala wareegay dowladdii la doortay ee ay hoggamineysay Aung San Suu Kyi 1-dii bishii labaad ee sannadkan.