DHAGEYSO:Ku xigeenka afhayeenka dowladda oo codsatay in la soo celiyo Aisha Jumwa iyo Salim Mvurya

0
254

Ku xigeenka afhayeenka dowladda sare Mwanaisha Chidzuga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsatay in marka uu soo dhisaya xukuumadda cusub uu dib u soo magacaabo wasiirkii macdanta Salim Mvurya iyo wasiiradii jinsiyadda Aisha Jumwa oo labaduba ka soo jeeda gobolka Xeebta.
Waxay hoosta ka xarriiqday in wasiirradan ay waajibaadkooda shaqo u gudanayeen sidii laga doonayay.
Chidzuga ayaa intaasi ku dartay in ay codsanayaan in la kordhiyo tirada wasiirrada ee laga soo xulanaya ismaamullada Xeebta.

Arrintan ayay ka hadashay ka dib markii ay ismaamulka Kwale ka bixisay cunno gargaar ah oo loogu talagalay ilaa 20,000 oo qof oo ka mid ah danyarta dowlad deegaankaasi.
Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iiday deeqdan ayaa dowladda sare uga mahadceliyay.

Dhanka kale, shacabka ismaamulka Elgeyo Marakwet ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuu dib u magacaabo wasiirkii gaadiidka iyo waddooyinka Kipchumba Murkomen.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in siyaasigan uu madaxweynaha garab buuxa siiyay xilligii doorashada ee sanadkii 2022-kii sidaasi awgeedna uunan cidlo uga tagi karin.

Xoghayaha Guud ee golaha imaamyada iyo ducaadda dalka ee CIPK ,Sheekh Maxamad Door ayaa dhankiisa ku baaqaya in golaha wasiirrada aan lagu soo darin siyaasiyiin.
Waxaa uu ku talinaya in la xaqiijiyo in dhammaan gobollada dalka ay golaha wasiirrada ku lahaadaan matalaad.